Saturday February 25, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Goballada dhexe Mudane Shiikh Axmed Shaaki ayaa waayadan waxa uu joogay Magaalada Muqdishu.Madaxweyanaha ayaa waxa uu markii u yimid Muqdisho in uu ka soo qeyb galo Caleemasaarkii Madaxwenaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Madaxweyne Shiikh Shaakir ayaa uga soo qeyb galay caleemasaarka Farmaajo iga oo matalaya Maamul-gobaleedka Goballada Dhexe, Maadaama uu meesha ka baxay Maamulkii safaadka ahaa ee ay Damul-jadiidka hoggaaminayey.

Madaxweynaha ayaa markii uu yimid bilaabay in uu sameeyo kulamo kala geddisan oo uu la lahaa safiiradda dalka jooga.

Waxaa uu la kulmay safiirka Turkiga ee Muqdisho, safiirka Maraykanka iyo diblomaadiyiin kale, oo uu kala hadlayey dhibaatada haysata deegaanka goballada dhexe.

Kulamada ayaa ku soo gabagaboobey jawi heer sare ah. waxaana arrintaan soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Goballada dhexe.

Xafiiska warqabadka ee Mustaqiim
Mustaqiimcom@hotmail.com

 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
BARO MASHAA'IKHDA
Sheekh Cabdulqaadir Baajuuri
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Maxamuud Cali Waceys
Sh. Omar Sh. Mohamed Farah
Sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan
Macallim Maxamuud Sheekh Xasan