Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


MUCJISADII MOWLIIDKA EE KA DHACDAY MINNEAPOLIS!


07 03 2010

Waxay ahayd xaflad ay kasoo qayb galeen dadweyne Soomaaliyeed iyo Muslimiin kale oo kala da’ ah: Ciroolayaal, Haween, Carruur iyo Dhalinyaraba looma kala harin. Xafladaas oo uu wacdi heer sare ah oo qiira leh ay kasoo jeediyeen Imaamka Darul Quba Shariif Mahamud Sharif Ali iyo Caalimka weyn ee Sheikh Cabdulqadir Xashi Baajuuri oo dhowaan ka yimid Magaalada Nairobi. Waxaanu ogeysiinaynaa in Muslimiinta ku nool Minneapolis ee laga wareeriyey Diintooda in haatan kadib aysan ku wareeri doonin Mas’alooyinka xagga Fiqiga iyo Axkaamta ah maadaama uu Magaalada Minneapolis soo degay Caalimka ku xeeldheer umuurahaas aanu kor kusoo sheegnay.

RASUULKA DIIDOW DILAAC!


Haddaba waxaa xusid mudan in aan ka yara hadlo Maalintii Molwdiidka ka hor in Magaalada Minneapolis uu Weriye ku sheega Xaayoow ku wareystay TV-ga uu ka hadlo nin Khawaarij Wahaabi ah oo ijaafo iyo cay u geystay dhammaan Culimadii, Muxadisiintii Islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan Kuwii Soomaaliyeed. Khawaarijkan oo ka

tirsanaan jirey Masaajidkii Abuubkar Assadiq kana mid ahaa hogaamiyaashiisii ilaa iyo intii uu jirey ayaa ka baxsaday Masaajidkaas kadib markii ay Dowladu baaritaan ku bilowday dadka halkaas maamula si loo ogaado carruur badan oo Soomaaliyeed oo la jaahwareeriyey loona diray wadankii si ay usoo jihaadaan oo usoo gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Wahaabigan oo magaciisa la yiraahdo Cabdiqani Cali Xagaa kana soo jeeda Magaalada Qardho lana baxay magaca Qardhaawi ayaa wuxuu u qayla dhaanshay tolkii kadib markii laga eryey Masaajidka Abuubakar Assadiq isagoo arrinta ka dhigaya in Qabiil lagu eryey. Wuxuu Khawaarijkani tolkii ka helay kaalmo kadibna wuxuu Saraha dhaadheer ee Cedar ka furtay Maqsin sidii khmariga loogu cabayey madoobaaday oo uu u baxsaday Masjid Imaamu Shaafici. Intaas haddii aanu uga gudubno faahfaahinta Khawaarijkan, bal aynu haatana milicsano wixii uu ka yidhi Mowliidka iyo sida uu u ijaafeystay Suubanaha iyo dhammaan Culumada iyo Shacabka Soomaaliyeed. Rasuulka diidow dilaac!


Maalintii uu dhashay Suubanuhu-scw- waxaa laga dabaaldegay Caalamka sare oo laga riyaaqay, waxaa kaloo debaaldegay Caalamka dhulka jooga, xayawaanka, jamaadaadka, jiniga xataa dhagxaanta Kacbada ayaa riyaaqay oo Salawaad qaaday. Hal qof keliya ayaa maalintaas ka xumaaday oo aad u murugooday! Tolow qofkaasi waa kee? waad garatay waa Sheydaan! inta uu af labadii yeedhay ayuu qayla ka wareegay isagoo ka xun damaashaadka iyo xafladda ka socota Caalamka sare iyo ka Dhulkaba iyo Nuurka iyo Raxmadda Illaahay usoo raaray dunida!. Akhristoow waxaa taas la mid ah Duulka habaaran ee qayla dhaan ku dhufanaya marka lasoo gaaro Maalintii uu dhashay Suubanuhu-scw. Sow maaha Sheydaan dhashii, sow maaha kuwa raacsan Sheydaanka halka Bilyanka Muslimiinta ah ee dunida ku nooli ay ku farxayaan Maalintaas; maxaa iyaga qaydha dhaan iyo nacaybka ku abuuray? Ma Muslimiinta dunida ku nool baa jaahil ka ah Diintooda oo inta yar ee ku xiran Dowladda Wahaabiyada Sacuudiga ayaa Diinta taqaan oo saxsan?. Waxaa la yaab leh in Wahaabiyada Soomaalidu ayba cidla jafayaan maadaama Dowlada Wahaabiyada ee Sacuudigu ay haatan ogolaadeen in Mowliidka la dhigo ayna 3 beri fasaxeen iskooladii si loogu dabaaldego Mowliidka. Waayo qofkii u horeeyey ee Mowliidka wax ka sheegaa wuxuu ahaa Muftigii Wahaabiyada ee Ibn Baaz, waxaa iyana ku dayday Albaani iyo Cutheymiin oo dhamaantood ahaa nimanka ku cayaaray diinta ee bedelay Kitaabadii islaamka sida Bukhaari, Muslim, 4-ta Imaam Fiqigoodii, iyo Dhammaan Kutubta Caqiidada iyo Kitaabada Umuhaatu Sita-Micnuhu waxaa weeye Kitaab ay dhaafeen oo aysan macnihiisa bedelinba ma jiro xataa Kitaabka Quraanka ah ayay Sharax khaldan saareen. Haddaba Khawaarij ganba soo xiratay oo Gardheer deysatay isna bihinbihisay oo inta ay Kitaabadaas khariban soo akhristaan ama Cajalad kasoo dhegeystaan iyagoo ku been abuuranaya Imaamyadii Waaweynaa ee Islaamka miyaanu dheg u dhigeyna! Jawaabtu waa iska cad tahay. Tusaale ahaan bal eeg sida Kitaabkii ADABUL MUFRAD EE BUKHAARI LOO BEDELAY- http://www.youtube. com/watch? v=la3iKL576hE


Waxaa mucjisa ah oo wacdigii xafladda Mowliidka uu Caalimka Shariif Maxamuud halkaas kusoo bandhigay Kutubta Wahaabiyada Imaamyadooda oo ay ku qoran yihiin in Mowliidku uu yahay wax sax ah oo xaflad loo sameyn karo ajar iyo xasanaadna laga helayo. Kitaabadaas waxaa ka mid ah Kitaabka Ibn Taymiyah ee Iqtisaadu Siraadhul Mustaqiim, Ka Ina Cabdiwahaab ee Siiratu Nebi iyo ka Ibn Qayim. Dhammaantood waxay ogoladeen Xuska Suubanaha. Laakiin dhibaato waxay ka dhacday Shiikh iyo Xertiisa oo aan is ogeynba! Halka Imaamyada Wahaabiyadu ku abtirsato ay sidaas leeyihiin ayaa Ibn Baz, Cutheymiin, Jazaairi iyo Albaani leeyihiin Mowlidku waa Baadhil, Bidco ah oo ka yimid Yuhuud, Kirishtaan, Faadhimiyiin, Buudhiism iyo Majuusiyiin. Waana halka uu Khawaarijka Ina Xagaa ee la baxay Qardhaawi uu ka soo xigtay hadalada uu ku duro Mowliidka ee uu Sanad walba ka sheego TV-ga sandareerada qaata ee uu ka hadlo Xaayoow. Ina Xagaa ayaa TV-ga ka sheegay in AL-SHABAAB IYO XIZBUL ISLAAM ay ka caqiido iyo imaamba fiican yihiin dadka Mowliidka dhigayaa. Markii arrintaas lagu celiyey oo loo sheegay in dadka Islaamka qalaya iyagoo leh Illaahay baanu ugu dhowaanaynaa ay ka fiican yihiin Muslimiintan Nebiga xusaysaa ayuu ku jawaabay Sunada raacideeda waxaa u dhow Alshabaab iyo Xizbul Islaam, Culumadeenii horena Jaahiliin bay ahaayeen aan cilmi badan lahayn sidaas ayayna u dhigi jireen Mowliidka waayo cilmi badan maysan lahayn. Dadkii soo wacayey telefoonada oo xanaaqsan ayaa Xaayoow ku jarayey telefoonada marka ay doonaan inay la murmaan Wahaabigan. Waxay arrinta ka soo yeedhay Ina Xagaa la mid tahay tii uu Ina Cabdiwahab ku qortay Buugiisa FATXUL MAJIID IYO KASHFUL SHUBAHAAT ee markii la weydiiyey sababta uu Muslimiinta Ashahaadaneysa u kufrinayo, qabuurahooda u burburinayo, qabdhahooda iyo maalkooda u qaniimaysanayo isagoo kaashanaya Ingriiska iyo Mooryaankii Ibn Sacuud, wuxuu ku jawaabay oo ku yaala labadaas Buugba in ABU JAHAL IYO ABUU LAHAB uu ka Imaan, Caqiido iyo Tawxiid wacan yahay Muslimiinta uu dhamaynayo! Markaa la yaab ma leh oo taariikhdu waysoo noqnoqotaa waana waxa maanta Soomaaliya ka socda. Ninkan la baxay Qardhaawi xataa wuxuusan ogayn in Shiikha uu magaciisa isticmaalo uu ogol yahay xafladda Mowliidka. Halkan ka daawo http://www.youtube. com/watch? v=rrG2PgpiO4U Rasuulka diidow dilaac!


Waxaa kale oo la yaab dadkii isugu yimid Masaajidka ku noqotay markii uu Sharif Mohamuud soo bandhigay Buug uu qoray Ibn Baaz oo lagu magacaabo Majmuucu Fataawa oo ka hadlaya in Mohamed Binu Cabdiwahab loo dhigayo Xaflad soconaysa 7 beri oo loo yaqaano USBUUCU SHEEKH oo Malaayiin doolar ay ku baxayso oo ay dhigayso Jaamacadda Ibn Sacuud. Isla Buugaas ayaa jabtarka kaa ka horeeya wuxuu qorayaa in Ixtifaalka Mowliidku uu yahay Bidco, Shirki iyo wax aan raad lahayn! Waar nimanku cadaalad yaraa oo Suubanaha necebaa-Rasuulka diidow dilaac!


Haddaba hadal badani haan ma buuxshee, waxay Culumadu halkaas ka sheegeen Axaadiis iyo Aayada badan oo ka hadlaya farxidda iyo u dabaaldegida Mowliidka iyo waxa ay Culumada Islaamka ee Ahlusunnah Waljamaaca arrintaas ka yiraahdeen. Waxaase iigu yaab badnaa Xadiiskii laga akhriyey Saxiixul Bukhaari, Kitaabu Nikaax in xataa Gaalkii Abujahal farxadii uu ku farxay dhalashada Suubanaha-scw- in Maalinta Isniinta ah laga qafiifiyo cadaabka fartana caano laga siiyo! SubxaanaAllah!. Shiikh Baajuuri ayaa gebagabadii dadkii ku waaniyey bal inay caqligooda ka shaqaysiiyaan oo ay xasuustaan sida ay nimankan wadanka waalayaa ay maalinba midab hor leh u qaadanayaan iyagoo aan u aaba yeelayn Kitaab iyo Sune midna laakiin ay ku gabanayaan si ay u khiyaamaan dadka aan Diinta aqoonta u lahayn. Wuxuu sheegay in Nimankan Khawaariita ahi ay Hawadooda iyo hadba sida ay rabaan ay diin ka dhigteen oo arrintooduba tahay LA JIIFIYAA BANAAN, LA JOOJIYAANA BANAAN. Laakiin Diinta Islaamku aysan isbed-bedelayn, Diintuna ay tii hore tahay, Culumaduna ay kuwii hore yihiin, Kutubtuna ay kuwii hore yihiin. Xafladaa mowliidka ayaa waxaa dhinac socday Nebi amaan iyo Qasiidooyin xaadu ku istaageyso. Wahaabiyadu xataa uma ogola in Suubanaha la amaano halka ay ka ogol yihiin in Ina Cabdiwahaab Qasiido loo tiriyo ama IBN Baaz Qasiido aad loogu amaanayo loo tiriyo. Qasiidooyin uma yaqaanaan laakiin waxay u yaqaanaan NASHIIDO ee bal halkan nagala daawo Nashiidadii ay u tiriyeen Geeridii Ibn Baaz iyagoo aad u amaanya

http://www.youtube.com/watch?v=hhA_wHxWflI  Rasuulka diidow dilaac!


Shiikh Baajuuri ayaa hadalkiisii dadku aad ula yaabeen markii uu yidhi nimanku Diin ma wadaane waxay faafinayaan waa cadaawad iyaga iyo Rasuulka ka dhexeysa oo waaya hore bilaabatay oo taariikhdeeda la ogyahay. Markaa sidii ay Suubanaha u xaqiri karaan, dadka uga horkeeni karaanba way sameynayaan ee caqligiina isticmaala oo kii idiin wanaagsan raaca ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey. Haddaba Dadoow yaan Suubanihiina idinku dirin niman Mashruuc wata oo aanba raacsaneyn Culumada Islaamka iyo Culumada Wahaabiyada Imaamka u ah. Nimankani waxay raaceen hawadooda iyo hadba sida ay rabaan si ay dadka Soomaaliyeed ee Caamada ah u khiyaameeyaan ugana gurtaan Dahabka, Doolarka, wiilashoodana u dhoofiyaan si ay lacago uga helaan Dowladaha maalgeliya fidinta Wahaabiyada-Rasuulka diidow dilaac!


Haatana bal nala daawada sawiradii xafladda mowliidka ee Minneapolis



Abdirahman Jundullah
qidmiir@yahoo.co.uk
 

 
Back
Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe