

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Khawaarijta Xisbul-Shaydaan
oo beero Xoog kula wareegay.
07 03 2010
Khawaarijta ka tirsan Kooxda
Xisbul-Shaydaan ayaa
Shalay si xoog ah ula wareegay
Beero ay lahaayeen Dad shacab
ah oo ku yaalla Wadada isku
xirta Degmooyinka Afgooye iyo
Balcad ee Goballada Shabeelada
Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Wararka aan ka
helayno deegaannada ku hareereysan
wadada Isku xirta Degmooyinka
Afgooye iyo Balacad ayaa sheegaya
in ay Khawaarijta ka tirsan
Kooxda Xisbul-Shaydaan
ay Shalay si xoog ah ula wareegeen
Beer uu lahaa Nin Magaciisa lagu
soo gaabiyay Baasi iyo Beero
kale oo ku yaalla Wadadaasi.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa
in Khawaarijtaan Jidgooyooyin
hor leh dhigteen Afaafka hore ee
laga galo Beeraha ay leeyihiin
Dadka Masaakiinta ah ee ku sugan
wadada Isku xirta Degmooyinka
Afgooye iyo Balcad ee Goballada
Shabeelada Hoose iyo Shabeelada
Dhexe iyagoo gebi ahaanba la
wareegay Qaar ka mid ah Beerihii
ku yaallay Waddadaasi, kuwaas oo
ay ku doonayaan in ay ka dhigtaan
Fariisimooyin Maleeshiyo.
Sidoo kale waxaa jira 2-Gaari oo
ay saaran yihiin Qudaarta kuwaas
oo ku xayiran Mid kamid ah Beerihii
ay sida qasabka ah kula wareegeen
Khawaarijta Xisbul-Shaydaan islamarkaasna laga yaabo
in ay halowdo maadaama ay
Khawaarijtaan diideen in
Qof uu u gudbo Beerahaasi Dhexdooda.
Arrintaan ay ku dhaqaaqeen
Khawaarijta Kooxda Xisbul-Shaydaan
ayaa qeyb ka ah Dhibaatooyinka iyo
Falalka Boobka ah ee ay Maleeshiyaadka
Kooxdaasi ku hayaan Bulshada
Soomaaliyeed, gaar ahaan Kuwa ku
mashquulsan Wax soo saarka Dhinaca
Beeraha, iyadoona taasi ay dareen
xooggan gelisay Beeraleydii
Soomaaliyeed ee Beerahooda
Xoog loogala Wareegay.

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|