

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Xafladi Qatinka Xuska Xabiibkeeni
Muxamed (CSW) oo si weyn loogu
soo gabagabaeeyay Magaalada
Kampala (Daawo Sawiro)
06 03 2010
Xaflad Si weyn ay usoo abaabuleen
Culuma’udiinka, Aqoonyahanada,
Dhalinyarada iyo Haweynka
Somaliyeed ee ku dhaqan Wadanka
Uganda oo ku beegneed Munaasabad
lagu soo gunaanadayay Xafladihi
taxanaha ahaa ee lagu muujinayay
Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (CSW)
Xafladaan oo ay si weyn uga soo
qeybgaleen qeybaha kala gedisan
ee Bulshada Somalida wadanka
Uganda iyo qaar kamid ah
musliminta qowmiyadaha kunool wadanka Uganda.
Ugu horeen waxa xaflada lagu
bilaabay Aayado Qur’aan ah xafladi
ku furay Macalin C/llaahi yare
iyadoo sidoo kalena qasiidooyin
Macaan badan oo nabi amaan ah
halkaasi kasoo jeediyay Macalin
C/llaahi Quuri oo aad uqiiro
geliyay quluubti dadki soo
xaadiray munaasabadi habeenki xalay dhacday.
Aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo
Nabi amaanadi ka dambeeyay kadib
waxa dhanka kale bilowday
Wacdiyadi diiniga ahaa oo halkaa
ay kasoo jeediyeen qaar kamid
ah culuma’udiinka ahlusunnah
Waljamaac ee magaalada Kampala.
Sheekh Nuur Cabdi Warsame
(Guud Cad) oo kamid ahaa culimadi
ka hadashay madasha ayaa waxa uu
si weyn ugu nuux nuuxsaday sida
looga baahan yahay dadka muminiinta
ah in ay alla ka baqaan isla
markaana Sahay udiyaarsadaan
maalinta shida iyo cabsida badan
ee Aakhiro oo qof waliba wixi
cmaal ah oo maanta suubsadaa
oo ku meel marayo.
Sheekh Maxamed Faarax Guutaale
(Faandho) oo isna kamid ahaa culimadi
ka hadashay xafladi xalay ayaa
isna waxa uu ku dheeraaday ka
sheekeenta maalmaha lagu weyneenayo
Xuska alle iyo rasuulkiisa Muxamaed
CSW ayaa ugu dambeentina waxa uu
dadki kasoo qeybgalay alle uga
baryay in uu ku maqaam gaarsiiyo
qeyrka ay sameenayaan.
Waxa sidoo kale hadal kooban halkaa
kasoo jeediyay Sheekh Ax’ed Salaad
Kadiye oo ah G/K/Xigeenka
Culuma’udiinka Ahlsunnah ee wadanka
Uganda oo isna ka hadlay muhiimada
looga baahan yahay Dadka Islaamka
in ay diintooda bartaan waxa uuna
sheekha si aad ah ugu nuux
nuuxsaday in ay naaqis tahay
ruuxi la yimaado camal aan cilmi
laheen waxa uuna si aad ah ugu
booriyay dadki kasoo qeybgalay
gaar ahaan dhalinyarad in ay
diinta bartaan hadii ay ahaan
lahaayeen hablo iyo rag intaba.
Sheekh Ismacil Sheekh Cali Rooraaye
oo ah Madaxa Arimaha bulshada ee
Culama’udiinka Ahlusunnah ee
wadanka Uganda oo isna halkaa kasoo
jeediyay qudbad qiiro galisay inti
kasoo qeybgashay Xaflada qatinka
bisha mowliid isagoo si aad ah ugu
nuux nuuxsaday Fadliga iyo
maqaamka lagu gaaro maxabada
Rasuulka (C/S/W)
Sheekh Ismacil “ Asxaabta Nabiga
(CSW) Waxa kaliya ee ku kala
sara mareen waxa ay eheed ninba
ninka kale inta uu ka jeclaan
badan yahay Rasuulkeeni Muxamad
(NNKH), taasna waxa ay kuu
muujineesaa maxabada nabiga
in aysan aheen yool la gaari
karo balse waxa inoolaga baahan
yahay inta karaankeena ah in
aan iska doon doono “ ayuu yiri
Sheekh ismacil Sheekh Cali Rooraaye
Madaxa Arimaha Diinta ee
Culuma’udiinka Ahlusunnah Sheekh
Xasan Aadan Cusman (Kamacle)
ayaa isna waxa uu aad ugu
dheeraaday qeyrka laga helayo
abaabulka iyo uqidmeenta munaasabaha
ceynkaan oo kale isagoo ugu
bishaareeyay isla markaana
dadki kasoo qeybgalay munaasabada
alle uga baryay in uu maalinta
yoomiul Qiyaahah ku kulmiyo
kuna meel mariyo maxabada
Rasuulka (NNKH)
Gaba gabadi qeybta hore ee Xaflada
ayaa waxa soo gunaanaday Gudoomiyaha
Culuma’udiinka Ahlusunnah waljamaac
ee Wadanka Uganda Sheekh C/qaadir
Macalin ibraahim Suni oo halkaa
ugu horeen uga mahad celiyay
dhamaan dadki isku soo abaabula
kana qeyb qaatay habsoomi
uqabsoomida xafladihi is xig
xigay ee lagu muujinayay
maxabada Rasuulka (CSW),
Sheekh Sunni, “ Waxanu leenahay
Ajir iyo Xasanaad alaah kasiiyo
Ragi iyo dumarki habeen iyo
maalin utaagnaa ka qeyb qaadashada
iyo abaabulka Xafladihi qiimaha
Badnaa ee lagu muujinayay
Maxabada Rasuulka (CSW) hadii ay
ahaan laheed banaanbixi weynaa
ee taariikhiga ahaa iyo
itxtifaalooyinkii kale intaba
waxanu leenhay ajir aan lasoo
koobi Karin alaah kasiiyo”ayuu
yiri sheikh suni.
Sheekh C/qaadir Suni ayaa dhanka
kale waxa uu mahad gaar ah usoo
jeediyay bahda Saxaafada
Culuma’udiinka Ahlusunnah ee
wadanka Uganda Gaar ahaan
Gudoomiyahooda Sheekh Feysal
Kulane iyo Shabakada Warsheekh
oo si hagar la’aan ah uga qeyb
qaadatay soo bandhiga Xafladaha
Ay muslimiinta kunool wadanka
Uganda gaar ahaa Soomaalida
ay ku muujinayeen Maxabada
Xabiibkeeni Muxamad (CSW)
Sheekh Suuni ayaa dhanka kale
waxa uu musliiminta dunida gaar
ahaan Culuma’udiinka ahlusunnah
waljamaac meel kasta oo ay
joogaan udiray baaq ku aadan
in ay walaashadaan ayna
qabsadaan xariga alle iyo
sunada Nabiga loogana baahan
yahay in ay wax walba oo
midnimadooda wax udhimi
karo ay ka waantoobaan.
Sheekh Suni ayaa sidoo kale
waxa uu ka codsay in muslimiinti
kasoo qeybgashay munaasabadi
xalay ay iyaga bilaaban is
gacanqabashada iyo is taageerida
dhaxdooda ah isal markaana
ay ku daydaan ahlusunnah
meel walba oo ay dunida ka joogto.
Munaasabada xalay oo lagu soo
gunaanaday sida caadada u ah
culuma’udiinka ahlusunnah
waljamaac Xilqo dikri taasi
oo socotay ilaa Salaada
Subax ay ka dhalato ayaa
dhanka kale waxa tani aheen
xafladi udambesay ay dhigaan
Muslimiinta reer Uganda waxa
tani ugaar aheen reer Kampla
oo kalya waxana jiro doono
xaflada caynkaan oo kala ah
oo ka kala dhici doono
dhamaan gobolada Dalka Uganda
oo iminka culimada u amba baxayaan
Waa Qalinkii:
C/raxman Sheekh C/llaahi
E-Mail: Farxad95@hotmail.com
Sawir Qaade
Feysal Kulane
C/llahi Sh: C/nuur
E-Mail: kulane115@hotmail.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|