

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW
02 03 2010
Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu
waxyigu ku bilaabanayey waxaa lagu
bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada
ugu imaaneysey oo u cad sida
oogga waabberi oo kale.
Riyaadaas waxay socotey muddo lix
bilood ah Rasuulku SCW wuxuu
jecleystey inuu meel gaar ah ku
cibaadeysto wuxuuna tegi jirey
god la yiraahdo gaaru Xiraa oo
ku yaalley buurta Nuur oo Makka
laba mayl u jirta, halkaas oo
uu soo joogi jirey habeeenno
intuu sahaydiisa (cuntaddiisa) qaato.
Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa
qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba,
maalinkii dambe ayaa Malakul-jibriil
u yimid wuxuuna ku yiri: "akhri",
markaasuu Nabigu SCW ku yiri:
"wax ma akhriyo", ka dib intuu
qabtey oo majuujiyey ayuu mar
labaad yiri: "akhri" Nabiguna
wuxuu yiri: "wax ma akhriyo",
mar saddexaad intuu qabtey ayuu
yiri: "ku akhri magaca Rabbigaagii
abuuray (koonka), akhri Rabbigaana
waa kan sharafta lehe, oo baray
(dadka) qalimka, dadkana baray
waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq
1-5) Markaasuu Rasuulku ka
daba akhriyey, intaa ka
dibna malagii waa uu tegey.
Rasuulku SCW isagoo naxsan ayuu
gurigiisii yimid markaasuu ku
yiri xaaskiisii Khadiija: "I
deda I deda" iyana way dedday
ilaa uu argagaxii ka tegey,
markii naxdintii ka ba'day ayuu
qisadii u sheegay Khadiija kuna
yiri: "naftayda ayaan maanta
u baqay" markaasay tiri: "ilaah
baan ku dhaartaye Alle ku
hoojin maayo weligaa mxaa yeelay
martidana waad soortaa, xaqana
waad u kaalmaysaa", markaa ka
dib ayey Khadiijo wadday
Rasuulka SCW waxayna u tageen
Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa
Khadiijo ina adeerkeed, diintii
Nebi Ciisena haystey ahaana nin
oday ah oo aad u da'weyn oo
indho la'kuna turjumi jiray
kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga.
Markay u tegeen ayaa Khadiijo
tiri: "ina adeer bal dhegayso
wiilka aad adeerka u tahay",
Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri:
"maxaad aragtay?" markaasuu
Rasuulku SCW u sheegay qisadii.
Waraqa markuu qisadii dhegaystey
ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri:
"kaa kuu yimid waa kheyr wadihii
Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna
intaa sii raaciyey "shallaytadeydee
maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo".
Rasuulka SCW waxa uu la yaabay
wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa
dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan
ah Makka ayaa laga saari doonaa,
markaasuu yiri: "oo ma i bixinayaan",
Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof
lama imaan waxa aad la timid ilaa
waa lala colleytamay, haddii aan
maalinkaa gaarana waan kuu gargaari"
hase yeeshee Waraqa markaa ka
dib muddo badan ma sii noolaan,
waxyigiina waa is raacraacay.
Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo
ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga
tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka
SCW: "anigoo soconaya ayaan samada
markaan arkay malaggii Gaaru Xiraa
iigu yimid oo kursi ku fadhiya
samada iyo dhulka dhexdooda
markaasaan ka argagaxay
ilaa aan dhulka ku dhacay.
Ka dib reerkaygii ayaan u tagay
oo ku iri: "I dede i deda" markaasay
i dedeen. Alle ayaa markaa soo
dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS
DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA
WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA
XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta)
(Suurat Al-Mudathir)
Ahlusunna.org

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|