

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Isku Soo bixi ugu balaarnaa
oo lagu weyneenayo Maalinta
uu Dhashay Nabi Muxamad (NNKH)
oo ka dhacday Wadooyinka
Magaalada Kampala (Sawiro Cajiiba)
28 02 2010
Isku Soo bixi ugu balaarnaa
ebed oo ay Sameeyaan muslimiinta
ku nool Wadanka yugaandha ayaa
maalinimadi shalay ka dhacay
Wadooyinka Magaalada kambaala
kaasi oo lagu weyneenayay
maalinta uu dhashay
Suubanaheeni Muxamad ah (CSW)
Banaanbaxaani oo ay ka qeyb
qaadanayeen guud ahaan Muslimiinta
kunool Wadanka Yugaandha ayaa
waxa si gaar ah qeyb libaax leh
uga qaatay muujinta Maxabada nabiga
(CSW) Somalida kunool Wadanka
Yugaandha oo ay horkacayeen
Culuma’udiinaka Ahlusunah waljamaac.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay
qaadayeen Takbiir iyo Nabi amaano
aad umacaan badan taasi oo soo
jiidatay Inta Quluubtooda ay ku
beerantahay Maxabada Rasuulka
(NNKH) iyadoo sidoo kalena ay
dadkani ku labisnaayeen libis
aad u qurux badan iyo boorar ay
ku qoran yihiin halkudhigyo
lagu Muujinayo maalinta uu
Dhashay nabiyulaahi Muxamad (CSW).
Dhanka Somalida ayaa banaanbaxayaashani
waxa laga soo kala abaabulay
Dhamaan Mowlacyada iyo Madrisooyinka
Culuma’udiinka Ahlusunnah ay
ku leeyihiin Magaalada Kampala
sida,Madawada weyn Umaya Ibnu Kacab
iyo Mowlaca Pan Afrika oo labadaba
ah Xudunta Culuma’udiiinka
Ahlusuunah Waljamaac ee magaalada
Kampala iyadoo sidoo kale somalida
Yugaandha ay si weyn usoo wada
cmireen banaanbaxani isla markaana
Jameeco walba kolka lasoo gaaro
Xaafadooda ay halkaasi uga sii biirayeen.
Inkastoo Muslimiinta kunool Wadanka
yugaandha ay Hareesay Farxada iyo
maxabada Nabiga isla markaana
ay farxad aad ubalaaran ka
muuqatay maalinimadi shalay
ayaa hadana waxa jiray shaqsiyaad
sheeganayay in ay muslim yihiin
hadana naxdin iyo walbahaar ka
qaaday ixtifaalka iyo weyneenta
Maalinta uu dhashay Nabi Muxamad
(C/S/W), Ilaahow ha inaga mid
dhigin kuwii ka naxo Dhalashada
Xabiibkeena Muxamad ah (NNKH)
Gabagabadi ayaa banaanbaxayaashi
waxa ay isugu soo aruureen Masjidka
ugu weyn ee Geeska Afrika ee Qadafi
National Mosque oo si weyn loogu
Xardhay ubaxyo iyo boorar qurux
badan oo lagu lamaaniyay fadhi
aad u cajiib ah oo muslimiinta
udabaal dageeso maalintaan loo
diyaariyay iyadoo halkaa
qudbooyin qiiro leh ay kasoo
jeediyeen hogaamiyaasha
jameecooyinka halkaa isugu yimideen,
Sidoo kale waxa goobtaan goob
joog kaa ahaa Muftiga Arimaha
Diinta Islaamka ee Wadanka
Yugandha iyo Kuxigeenadiisa
iyo sidoo culimada ugu caansan
guud ahaan wadanka Yugaandha oo
kamid ah wadamada ku horeeyo
Xaga Diinta islaamka marka
loo fiiriyo Wadamada gobolka
Sheekh C/qaadir Macalin ibraahim
(Sunni) oo ah gudoomiyaha Culuma’udiinka
Ahlusunnah waljamaac ee Wadanka
Yugaandha oo halkaasi qudbad
qiiro leh kasoo jeediyay ayaa
dhamaan Muslimiinta Caalamka
ugu hambalyeeyay munaasabada
qiimaha iyo qadarinta Xanbaarsan
isagoo sidoo kalena uduceeyay
Muslimiinta Caalamka in ilaahey
niyadooda iyo awoodooda kulmiyo.
Sheekh Sunni,” waxa Ugu hambalyeenaa
Muslimiinta Duniada Meel Kasta ay
joogaan maalinta sharafka iyo
Qadarinta Mudan ee ah maalinta
uu dhashay Nabi Muxamad (CSW)”
ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Suni
oo qiiro hareesay inta uu ku guda
jiray Munaasabada isagoo kala qeyb
qaatay socodki dheeraa ay sameenayeen
muslimiitna reer Yugandha gaar ahaa
Somalida kunool halkaasi oo iyaga
caadi iyo dhaqan u ah weyneenta
Maalmaha qiimaha iyo qadarinta ku
leh shucuubta Muslimka.
Sheekh Xasan Aadan cusman (Kamacle)
oo ah madaxa Arimaha Diinta ee
Culuma’udiinka Ahlusunnah ee
wadanka Yuganda ayaa isna waxa
uu dareenkiisa ku biiryay Muslimiinta
sida weyn uga qeyb qaadaneesay
Munaasabada maalinta uu dhashay
Nabi Muxamad (CSW),
Sheekh Xasan,” Maanta waxa ay noo
tahay Maalin weyn, Maalin ay
Muslimiinta oo idil ay ku faanaan,
Waa maalinti uu dhashay Kheyru
Khalqilaah, Waa maalin ajir iyo
Xasanaad laga helayo laguna kala
saaro hadba qof walba inta ay la
egtahay Maxabada uu uqabo
Rasuulkiisa Muxamad (CSW)”.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale waxa
uu fariin udiray Dadka caadeestay
naceebka nabiga ee dhibsada sheeg
sheegida Magaca Rasuulka (CSW)
iska daa in ay sadaqo iyo
tawasulba ay ku sameeyaan
isagoo arinkaa ka hadlaayana
waxa uu yiri, “ Rag waxa ay ka
faanaan , Rag baa ku faana”
ayuu yiri sheekha isagoo
hadalkiisa sii raaciyay in
maxabada nabiga iyo weyneentiisa
ay banaanka keenayaan ayna muujinaya
Sheekh Ismaacil Sheekh Cali
Rooraaye oo ah Madaxa Arimaha
Bulshada ee Culuma’udiinka
Ahlusunnah waljamaac ayaa isna
waxa uu ugu horeen uga mahad
celiyay dhamaan muslimiinta
reer yugandha gaar ahaan
somalida ku nool halkaasi
sida qiirada iyo qadarinta
mudan ay usoo camireen banaanbaxa
muujinta maalinta uu dhashay
Nabi Muxamad (CSW)
Sheekh ismacil oo farxad aan lasoo
koobi karin darted hadalki gabay
ayaa waxa uu muslimiinta kasoo
qeybgashay Munaasabada faray in
ay badiyaan Saliga Nabiga oo ah
mid liiibaan aduunyo iyo mid
aaqiro lagu helayo .
Barxada Weyn ee Masjidka Qadaafi
oo maalinimadi shalay Qudbadi
jimcaha kadib la isugu soo
aruuray ayaa sidoo kale waxa
halkaa isugu yimid dhamaan
Qa’idiinta Xilqooyinka Dikriga
ee Jameecooyin ka kala socday
Guud ahaan Gobolada oo ka kooban
Yahay wadanka Yugandha,
Muslimiin ka socotay dalalka
bakistaan iyo Hindiya iyo Soomaalida.
Isku Soo wada Duubee Munaasabadaan
ayaa waxa ay ka dhigneed tii
ugu balaarneed ebed oo ay
sameeyaan Muslimiinta kunool
wadanka Yugandha kuna soo
gaba gabowday jawigi loogu tala galay
Sawir Qaade
Feysal Yuusuf Kulane
iyo
C/llaahi Sh: C/nuur Sh: Yuusuf
Waxa Diyaariyay
C/raxman Sheekh C/llahi
Kampala Yuganda

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|