

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Ixtifaalo aad u
waa weyn oo loogu Dabaaldagayey
Dhalashadii Nabi Muxammad-scw ayaa
ka dhacay Guud ahaan Wadankan Malaysia
28 02 2010
Sida ay ka hadashay dhamaan Warbaahinta Wadankan Malaysia
waxaa Maalintii Jimcaha oo
ku ay Taariikhdu aheyd
(12-ka R/Awal, oo ku beegneyd,
26 February 2010) ka dhacay Guud
ahaan Wadankan Malaysia Ixtifaalo
aad u waaweyn oo loogu Dabaaldagayey
Dhalashadii Nabi Muxammad-scw,
waxaana Wadooyinka waaweyn ee
Magaalada Caasimadda isugu soo
baxay Muwaadiniinta Wadankan
Malaysia oo isugu jira Shaqaalaha
dowalada kuwa Shirkadaha, Ardayda
iskuulada Jaamacadaha, iyo Dadeweyne
aad u fara badan oo isaga soo baxay
Meel kasta oo kamid ah Caasimadda
Kuala Lumpur, waxayna dhamaan ku
labisnaayeen Dhar aad u bilic
sareeya isla markaana waxay wateen
Boorar ay ku qoranyihiin Erayo iyo
Halheysyo Nabi-ammaan ah, waxayna
sidoo kale qaadayeen Nashiidooyin
iyo Qasaaid Nabi-ammaan ah, waxaana
Hogaaminayey Madax iyo Saraakiil ka
tirsan Dowladda Iyo Golaha Sare Islamka Malaysia.
Salaadii jmacaha kadib: waxay Dadkaasi
isugu soo urureen Goobo Mucayan ah
oo loogu tala galay, waxaana u
khudbeeyey Mas’uuliyiin Heer Qaran
oo ka tirsan Dowlada Malaysia iyo
Culamaa’udiin waaweyn oo kamid ah
Golaha Sare islaamka Malaysia.
Waxay aheyd Goobtii ugu Weyneed oo
leysugu soo ururay Fagaaraha weyn
ee Qasriga Madaxtooyada oo ku yaala
Magaalada “Putru jaya” oo ah Halka
ay dagan yihiin Boqortooyada Wadankan
Malaysia, waxaana Halkaas isugu yimid
Dadweyne kor u dhaafaya 13000
(Sadex iyo Toban Kun) oo qofood,
sida ay sheegtay Jariidda Maalin
laha ah ee “The Star” ee kasoo baxda
Dalkan Malaysia Cadad-keedii 18472
soona baxay, Sabti 27/02/2010, oo
Bogageeda hore kusoo bandhigtay
Saiwirada Dadka usoo Bannaan baxay
Soo dhaweynta Ixtifaalka Dhalasha
Rasuulka-scw, waxaa iyaduna si weyn
uga hadashay Jariiradda kale ee
Magaca dheer kuna hadasha Afka
Dowladda ee “New Straits times”
Cadadkeedii soobaxay Sabti 27/02/2010
Waxaana halkaasi ka hadlay
Raysul-wasaaraha wadankan Malaysia
“Dato: Najib Tun Razak” oo Halkaas
kasoo jeediyey Khudbo aad u Qiimo
badan oo ku aadan Munaasabadda
Mowlidka Rasuul-scw, waxaana
kamid ahaa waxyaabihii uu ka hadlay:
Midnimada Shacabka Malaysia wuxuuna
soo qaatay in Nabiga-scw, lala soo
diray sidii Anbiyadii kale ee
horeysaba loola soo diray, Afar
waxyaabood oo kala ah: Run, Ammaano,
Xikmad Badan, iyo Gaarsiinta Xaqa,
R/Wasaaruhu wuxuu yiri: waa inaan
Afartaas shey ku sifownaa guusha
aan heysanana kusii adkeysanaa.
Mar uu sidoo kale ka hadlayey
Midnimada guud ee Muslimiinta
Caalamka iyo sida ay daruuriga
u tahay wuxuu yiri: waa in ay
Muslimiintu midoobaan kana baxaan
tafaraaruqa isla markaana Darsi ku
qaataan Dagaalkii Uxud markii ay
khilaafeen Nabiga-scw, iyaguna
is khilaafeen inuu soo gaaray
jab kaas oo ahaa Cibro iyo Darsi.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay
Qaar kamid ah Salaadiinta Sar-sare
ee Boqortooyada iyo Culamaa’udiin
waaweyn oo iyaguna ka tirsan
Golaha Sare islaamka Malaysia.
Waxaa Xafaladda ka qeyb galay
Qeybaha kala duwan ee Dhamaan
Madaxda sare ee Wadankan Malaysia,
dhinaca Boqortooyada waxaa ka qeyb
galay Salaadiinta Wilaayooyinka
kala gadisan, dhinaca Dowladdana:
R/Wasaaraha “Dato: Najib Tun Razak”
iyo Marwadiisa, Golaha Wasiirada
iyo Saraakiil Sa-sare oo Dowladda
kamid ah, iyo dhinaca Hogaanka
Diinta oo ah “Golaha Sare Islaamka Malaysia”.
Waxaa kaloo lagu marti qaaday
kana soo qeyb galay, Xuska Dhalasha
Nabiga-scw Hogaamiyaal kasocday
Diimaha kale oo aan Wadankan ku
badneyn, oo iyaguna Halkaa goob joog ka ahaa.
Wuxuuna R/wasaaruhu Abaal marinno
gudoonsiiyey, sidii Sanad kastaba
Xilligan oo kale Caadada u ahaan
jirtay Dad isugu jira Mas’uuliyiin,
Aqoon-yahano, Khubaro, Howl-wadeeno, iyo Dadweyne.
Sidaasoo kale ayaa lag soo tabiyey
inay Ixtitfaaladu ka kala dhaceen
Dhammaan Gobolada kale ee wadankan
Malaysia, taasoo ay idaacdaha
Talefishinada iyo Raadiyaalkuba
ilaa waqtigan wali ka hadlayaan.
Waxaa kaloo xusid Mudan: in
dhammaan Masaajidda Wadanka
Malaysia Khudbadii Jimcaha looga
hadlay Khudbooyin ku saabsan Xuska
Mowlidka Rasuulka-scw, waxaana la
iclaamiyey in aanay intan kaliya ku
ekeyn oo ay Xafladaha Mowlidku socon
doonaan inta ay bishu ka dhamaaneyso,
taas oo ilaa iminkaba meelo kala duwan
ka soconeysa, iyadoo waliba habeenadan
oo dhan uu jawiga wadankan hareeyey
Iftiinka iyo Dhawaqa waxa loo yaqaano
“Bula Leyr-ka” ee loo ridayo Reyn-reynta
iyo Farxadda loo sameynayo Dhalashada
Nabigeena Muxammad-scw.
Warkan iyo Sawirada Linkiyadan ka eeg
C/qadir Sh.Maxamad Mataan-(Sh.Colow).
shcolow@hotmail.com
Mobile: 0060-173817184
UK. Line: 0044-2079936645
Kuala Lumpur – Malaysia.

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|