Quraan
Home | Tafsiir | Axadiis | Muxaadro | Siiro | Naxwe | contact
Picture links Our News & History Picture links
Qurans
Qurans
Qurans
Qurans
Qurans
Qurans
Qurans
Qurans

Qurans


Gabay katurjumaya jabkii ahlusunna ugaysatay khawarijta al-shabaab ee gobolada dhexe


Curiye:
SH,c/qadir qoslaaye shaxbal



Ashahaado la dirirkii la waa aragtidoodiiye

Ayagaba amuur baa heshoo aabi laga raacye

Aflibaax inay galeen uunku wada sheegye

Altallariga markii lagu ridey oradka boobeene

Agab waxay wateenna aayar lagaqaadye

Arxan loomagalin nimankii afafka duubnaaye

Unuunkaa ka wada go'an raggii soo ahaan jiraye

Adimada ayey taagayaan aagga Guriceel e'

Amakaag baa ka haray wixii aaminaanjiraye

Aduunyada waxay mudanyihiin waaba aragnaaye

Aakhirana Ilaahow ka goo' eeyda goorta lehe

***

Wax dhanbaa hayrayaal Shabaab hadal la gaarsiiyey

Wax dhanbaa halaag looga digay har iyo habeene

Haadduse nimay saarantahay baan hadal ladeeqsiine

Horarkaba nimankii ahaa wiilal baa helaye

Ayagoo harmiid leh ayaa hawdka lagu laayey

Halyey waxay ku sheegeen ayaa haadku cunayaaye

Hoobiyaha markii lagu harqiyey oo hugunku uu yeeray

Hawsalka iyo faalkiyo markii holucu uu leefay

Hareeraha markii laga galoo hooto lala eegtay

Ma hubsan halkii looga yimid iyo hawshu saytahaye

Ayagoo is-haaraamayey baqo huleeleene

Haraadigii ka harayna mar un waa la soo heline

***

Huwantaan la buunbuunshay dagaal holibamaayaane

Haweenka iyo caruurtay hanaqa gooyaane

Hul un bay ilmaha lagalin oo horin ku fuulaane

Hawlgal dabadeed bay hoggaan dalaq ku siiyaane

Hadimada kuwii qoolay baa talo la haybshaaye

Haadaanse in loo qodey hoosta ka xariiqin

Har cad inay dhagax ku hoobsheenna waaba la hubaade

Hal ku dhigayga maansada Allow hiillo igu siiyoo

Haawaydaan la soo diray waqaa halaagtaaye

Hal Ilaahow ka dhawr oo hakala reebin

Haawiyana Ilaahow ku tuur iyo holicii naareede




SH,cabdulqadir qoslaaye shaxbal
shaxbal15@hotmail.com




Qurans


Xafiiska Wararka ee mustaqiim.com

mustaqiimcom@hotmail.com

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi